Sedex wiil oo Somali ah oo ku eedeysanaa inay doonayeen inay ku biiraan Kooxda ISIS ama Daacish, oo Dacwaddoodii ay Xeer-beegtidu ka Baaraan dageysay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa go’aan laga gaaray.
Xeer-beegtida, ayaa si Wadajir ah isugu raacay, In Maxamed Faarax uu galay Dhamaanba Dambiyadii lagu eedeeyay. Guuleed Cumar, ayaa isagana lagu helay dhamaan Dambiyadii lagu soo eedeeyay.
C/raxmaan Daa’uud oo ah Wiilka seddexaad ee go’aanka ay xeer-beegtidu ka gaartay, ayaa hal dambi oo been-abuur ah mooyaane, intii kale lagu helay.
Waalidiinta, qaraabada wiilaasha iyo qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee gobalka oo fadhiyay kuraasta dambe ee Maxkamada ayaa markii lagu dhawaaqay go’aanka Xeer-beeg-tida waxaa la arkayay iyagoo ooyaya, qaar ka mid ah way xamili waayeen inay goobtaas sii fadhiyaan oo way ka baxeen iyagoo ilmeynay. Kuwa kale oohin ayay ku dhameysteen intii ay maxakamaddu socotay.
Qaadiga Maxkamadda, Micheal Davis oo u mahad naqayay xeerbeegtida ayaa ku Amaanay inay shaqadooda u guteen si sharci ah oo cadaalad ku dhisan.
Garsoore Davis, ayaa Wiilashaan u sheegay inay xaq u leeyihiin in go’aanka Xeer-beegtida iska soo eegaan, Wixii ay dood ka qabaanna ay isaga kala hadli karaan, ka hor inta aanu ku dhawaaqin go’aanka ciqaabta ay wajahi doonaan.