Ergeyga Midowga Africa u Qaabilsan Arimaha Somaliya oo Sheegey In Amisom Diyaar U Tahay Sugida Aminiga Doorashooyinka Dhici Doona

0
79

Ergayga Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia isla Markaana ah Madaxa Hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] – Francisco Madeira, ayaa Shaaciyay in AMISOM ay isku-diyaarisay sidii ay u Sugi lahayd ammaanka Doorashada lagu wado inay Somalia ka dhacdo Dabayaaqada Sannadkan lagu jiro ee 2016-ka.

Danjire Francisco Madeira, ayaa intaas raaciyay in AMISOM ay mar hore Billowday in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kala Shaqeyso Sidii loo dhisi lahaa Guddi Amaan oo ka shaqeeya sidii loo sugi lahaa amniga goobaha cod-bixintu ay ka dhici doonto bisha August ee Sannadkan.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa hadalkan ka sheegay Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya, isagoo sidoo kalena ka warbixiyay Horumarka Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku Aaddan Sidii loo xasilin lahaa Soomaaliya.

Francisco Madeira, ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in AMISOM ay Awood u leedahay inay Hawshaas fuliso, balse caqabadaha haysata ay tahay inaysan haysan qalab ay Hawl-galkaas ku fuliso, sida inaysan haysan Diyaarado Helicopters-ka, Waxaana Rajeynayaa in haddii ay hesho ay ku guuleysan karaan inay Al-shabaab ka saarto Deegaannada ay kaga sugan tahay Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Jubbada Dhexe.

Dalka Somalia ayaa waxaa la filayaa inay Doorasho ka dhacdo ka hor dhamaadka 2016-ka, iyadoo Hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay wadajir ugu heshiiyeen, in Doorashooyinka lagu soo Xulayo Xildhibaannada iyo Madaxweynaha Cusub soo socda ay Noqoto mid ku dhisan Hannaanka Awood-qaybsiga Beeleed ee 4.5-ka.