Ujeedo:-Taageero Go’aanka Taariikhiga ah ee Gogosha Afgooye
Laga soo bilaabo xilligii isticmaarka ilaa maanta, waxaa Afgooye ka jiray cadaalad darro iyo ku-takrifal hantida umadda degaanka iyo xuquuqdooda siyaasadeed. Waqtigaas ka hor waxay lahaayeen maamul dhameystiran ee uu hogaamiyo Suldaan iyo gole odayaal dhaqameed oo aay ku dhan yihiin dhamaan beelaha ku nool degaanka aay gaaraan heer. Waxaa nasiib-darro ah in dadkaas aay ku dhowaadeen in aay lumiyaan sharaftoodii iyo karaamadoodii lagu yaqiinay markii xornimada la qaatay ilaa hadda.
Maanta Ilaah mahaddiis waxaa socda dhaqdhaqaaq aay horkacayaan odayaasha dhaqanka oo xil iska saaray in aay aasaasaan maamul dadka degaanka iyaga sameeysteen oo iyaga danahooda loo sameeyey.
Annaga oo ah qurbajoogta ka soo jeedda degaanka Afgooye ee Canada, Maraykanka iyo Yurub waxaan taageereynaa go’aanadii xasaasiga ahaa ee gogosha odayaasha. Waxaan ognahay oo aan la soconaa in dadaaladan aay la mid yihiin kuwii lagu sameeyey qaar ka mid maamul goboleedyada ugu nadaamka fiican maanta sababtoo ah odayaasha dhaqanka waa hey’adaha (institutions) kaliya ee aay aamini karaan dadka ka dib markii nadaamkii dowliga uu burburay. Waxaana ku talineynaa arrimaha soo socda:
- In go’aanadii dhaxalgalka ahaa ee gogosha Afgooye ka soo baxay loo fuliyo sida aay yihiin.
- In dowladaha Koofur-galbeed iyo Federaalka aay ka dhigataan hanaanka gogoshaan tusmo loo isticmaalo in lagu sameeyo dowladaha heer degmo (municipal governments).
- In laga waantoobo wax walba oo carqaladeyn kara hanaanka saliimka ah ee danta guud lagu raadinayo iyo in si wadajir ah la isaga qabto ciddii fidno ka abuurta gogosha iyo degaankaba.
- In gogosha la sii wado lagana caawiyo wixii tashiilaad ah aay u baahan yihiin in aay howlaha muhiimka ah ee horyaala ku fuliyaan
Waxaan amaan iyo bogaadin u soo jeedineynaa dhamaan xubnaha gogosha fadhiya oo qaatay go’aan taariikhi ah oo geesinimo leh. Waxaa iyagana leh amaan taas la mid ah dhalinyarada degmada ee diyaarka u ah in aay gacan ka geystaan sidii amaanka degmada loo sugi lahaa oo looga hortagi lahaa canaasiirta boobka wada.
Waxaan jecelnahay in aan uga mahadcelino saxaafadda XORTA ah sida daafeet.com iwm. kaalintooda muhiimka ah ee ah in aay dadweynaha gaarsiiyaan war run ah oo xaqiiqo ku saleysan.
Waxaan ilaah ka baryeynaa in uu towfiiqda na waafajiyo dadka reer Afgooyana amaan iyo cadaalad siiyo bisha barakaeysan ee Ramadaan fadligeeda.
waa wax lagu farxo lana taageero gogosha odayaasha reer afgooye lagana waantooba in tafaraaruq umada lagu rido, si wadajir ahna looga hortagaa dhibatadan so noqnoqotey ee ku habsatey shacabka rer afgooye iyo gobolkaba..wbtfq
maasha alah gu’aanada ka soo baxay waa gu’aano wanaagsan marki laga reewo gu’aanka uu ahaa suldaanka inuu degmada imaado taasi surta gal ma ahan waayo haddu imaado amaankiisa qof sugo ayaa loobaahanyahy iska imaaw lee na ahan
Comments are closed.