War Deg Deg Ah Dagaal Aad U Culus oo Kol DHaweyd Ka Bilowdey Degmada Afgooye

0
60

Wararka ka imaanaya degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa waxey ku waramayaan in haatan magaalada laga maqlaayo dhawaaqa rasaasta taasi oo si xowli ah ku socota ayadoo xiligan ay tahay 5 saac oo habeenimo si rasmi ah looma oga qeybaha dagaalamaya laakiin wararka laga helayo afgooye ayaa sheegaya in dagaalkani uu salka ku hayo dilal isla caawa ka dhacay degmada afgooye kuwaasi oo u eg aar goosi iyo aano qabiil.

Fiidnimadii caawa ayaa waxaa gudaha degmada afgooye lagu diley qoys ka kooban seddex ruux kuwaasi oo kasoo jeeda beesha geledi wexeyna kala ahaayeen Maxamed Teesto, Yasin Maxamed Teesto iyo cunug yar oo 3 jir ah inkastoo aan cidi loo qabanin dilka qoyskani ayaa hadana waxaa la sheegayaa in fal dambiyeedkani ay geysteen koox burcad ah isla markaasna baxsadey kadibna waxaa magalada lagu diley nin lagu sheegey inuu ahaa nabadoon kana soo jeeda beesha habar gidir jufada Ceyr.

Wixii warar soo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.