Maleeshiyada beelaha hawiye ee ku labisan dareyska ciidanka dowlada gaar ahaan boliiska iyo nabadsugida ayaa waxaa ay caawa ka wadaan degmada afgooye falal isugu jira dil iyo dhac iyo weliba afduub sida ay ku waramayaan goob joogayaal ku sugan degmada afgooye waxaa ay maleeshiyada beelaha hawiye ka bilaabeen waxa ay ku sheegeen howl gal gudaha degmada afgooye gaar ahaan xaafada siigaale amaba 21 oktoobar ninba siduu u yaqaano goob joogyaasha ku sugan magalada ayaa inoo xaqiijiyey in ilaa iyo hada ay dileen 6 qofood halka tira kalana ay ku dhaawaceen gudaha degmada afgooye.
Wararka ayaa intaas ku daraya in nabadoon lagu magacaabo Axmed Qaasim oo ka mid ah nabadoonada sida aadka ah looga yaqaano deegaanada degmada afgooye oo ay dhaawaceen maleeshiyada beelaha hawiye ayaa loola cararey magalada muqdisho si loogu soo dabiibo, Halka Axmed Suldaan iyo Yusuf Suldaan horey ay u kaxeysteen maleeshiyaadka ku labisan dareyska dowlada, Ayagoo guriga saldanadana ku dhaawacay gabar uu dhalaey suldaan axmed yusuf.
Si kastoo loo dhagaba falalkan argagaxa leh oo ay maleeshiyaadka beelaha hawiye ka wadaan degmada afgooye ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili fiidnimadii caawa gudaha magalada lagu diley horjooge Carabeey Lugjiir.