Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda xubnaha ka ah Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo oo maalintii labaad uu shirka madasha ka socdo.
Qodobbada Shirka looga hadley, ayaa Waxaa ka mid ah Hannaanka Doorashada 2016-ka, Guddiyada Doorashada, Maal-gelinta iyo Saadka Doorashada, Qoondada 30% ee Haweenka goleyaasha qaranka ay ka helayaan, Amniga iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in wax walba ay si habsami ah u socdaan, isla markaana ay madaxda si adag uga hadlayaan wax kasta oo fududeyn kara doorashadan taariikhiga ah ee dalka ka dhacaysa bisha August.
Sidoo kale, Wuxuu Madaxweyne Xasan sheegay in xoogga la saari doono sidii haweenka ay u heli lahaayeen qoondada 30% ee lagu heshiiyey in laga siiyo goleyaasha qaranka, isagoo haweenka ku booriyay inay ka shaqeeyaan inaanay farahooda ka bixin 14% kuraasta ay hadda Baarlamaanka ku leeyihiin, 16% ee ka dhimanna ay u ololeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia, Danjire Michael Keating, oo magaca Wakiilada Beesha Caalamka ku Hadlayay, ayaa Shaaciyay in ay soo Dhaweynayaan Horumarka ay Sameeyeen hoggaamiyeyaasha siyaasada, isagoo ku dhiirigeliyey inay ka dhabeeyaan riyada dadka Soomaaliyeed ee ah in doorashooyin ay dalka ka dhacaan.
Danjire Keating ayaa intaas ku daray in Beesha Caalamka ay si dhameystiran u taakuleyn doonto hawlaha Doorashooyinka Soomaaliya ayna diyaar u yihiin inay Soomaalida arrimahaas kala shaqeeyaan.