Shirka Madasha Qaranka oo Maanta Ka Furmey Magalada Muqdisho

0
53

Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho shirka madasha wada tashiga qaran oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Shirkan oo lagu dhameystirayo qodobadii ka dhimanaa doorashooyinka Soomaaliya loo qabanayo sanadkaan 2016-ka, waxaa sidoo kale ka qeyb galaya madax ka socota beesha caalamka.

Shirka oo socon doona mudo labo maalin ah ayaa waxaa warbixin looga dhageystay guddiga farsamada ee heer qaran, iyadoo waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkan looga arinsanayo ay qeyb ka yihiin, in la dhameystiro gudiyada heer dowlad goboleed ee doorashyooyinka ka dhimanaa.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya mudane Mahad Maxamed Salaad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qodobada muhiimka ah ee shirka looga hadlayo ay qeyb ka yihiin warbixin laga sugayo guddiga qilaafaadka oo ku saabsan qilaafaadka ka dhalan kara doorashooyinka.