Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay wasiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo Bariga Dhaxe Tobias Ellwood ,kaasi oo u yimid Somaliya sidii uu ula kulmi lahaa madaxda dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka guddoomay Wasiirka dhambaal uga yimid Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ingariiska ,waxaana dhambaalkaas lagu cadeeyay sida dowladda Ingiriiska ay u garab- taagan-tahay Soomaaliya.
Waxaa kaloo dhambaalkan lagu sheegay in dowladda Ingiriiska ay xoojin doonto xiriirka kala dhaxeeya dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ,iyadoo lagu wado in dalka ay ka qabsoonto doorasho inta lagu guda jiro sanadkan 2016-ka.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin aminga, siyaasadda iyo maal-gashiga dalka Soomaaliya oo ka soo kabanaya colaado sokeeye.