Madaxweynaha dowlada federaalka Somalia Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasoo uu uga Qayb-galayo Shir-madaxeedka Urur-goboleedka IGAD.
Kulanka madaxeedka IGAD, ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimaha Waddanka Koonfurta Suudaan iyo Doorashooyinka ka dhacaya Soomaalia Sannadkaan lagu jiro daba-yaaqadiisa.
Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu Magaalada Muqdisho kusoo laabto maalin kaddib, iyadoo shirka madasha wada-tashiga ee ay Hoggaamiyeyaasha Soomaalidu leeyihiinna aanay natiijo kasoo bixin.