Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo Soo Dhaweeyey Jadwalka Dorashooyinka Somaliya

0
90
U.N. Secretary-General Ban Ki-moon gestures during a press conference at the United Nations headquarters in Geneva, Switzerland Friday, Dec. 12, 2008. Ban says the latest "very sobering" assessment of the World Bank underscores the world's economic problems. The world should act with great urgency and compassion to ease economic distress. (AP Photo/Anja Niedringhaus)

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa soo dhaweeyay jadwalka doorashooyinka Soomaaliya ee dhawaan lasoo bandhigay, isagoo ku tilmaamay guul weyn doorashada lagu wado inay sannadkan ka dhacdo Somalia.

Ban Ki-moon ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku xusay inay guul aad u weyn tahay in Madaxweynaha soo socda ee Somalia la doorto 30-ka bisha Oktoobar ee Sanadkan. Wuxuuna intaas ku daray inay tani muujinayso in Somalia ay ku socoto waddadii dimuqraadiyadda.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee QM ayaa xusay inuu soo dhaweynayo qorshaha hiigsiga nidaamka doorasho ee Somalia ee sannadka 2020-ka, isagoo xusay in uu Aamisan yahay in Somalia ay horay u socoto.

Ban Ki-Moon ayaa sheegay in taallaabadan ay tahay mid aad muhiim u ah oo ku wajahan Horumarrada laga sameeyay Siyaasadda Dalka Soomaaliya, isagoo u rajeeyay nabad iyo barwaaqo.