Gobolka shabeelaha hoose ayaa 25 sano lasoo dhaafey waxaa ka jirey dhibaatooyin isugu jir dil, dhac iyo boob kaasoo sababtey markii dambe in dadka ka tirsan gobolka ay dhinacooda is abaabulaalaan si ay uga hor tagaan dhabaatooyinka aan dhamaadka laheyn ee kooxaha soo soo barakacay ee xooga ku heysta gobolka amaan looga helo.
Maamulka koonfur galbeed iyo kan gobolka ayaa marar badan waxaa ay halkaasi ka abaabuleen shirar ay ku sheegeen in lagu heshiisan doono kooxaha xooga ku heysta gobolka iyo dadka deegaanka taasoo aysan wax natiijo ah kasoo bixin.
Gudoomiyaha cusub ee gobolka shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo la hadlayey warbaahinta ayaa halkaasi waxaa uu ka dhigey riyaawad isagoo sheegey in dadka ku nool gobolka shabeelaha hoose la mideyn doono gacmaha is qabsan doonaan.
Si kastaba arinta ha ahaatee maamulka sgobolka shabeelaha hoose iyo kan konfuyr galbeed ayaan marna ka hadlin dhaca, boobka, dilka iyo kufsiga sida joogtada ah uga socda gobolka shabeelaha hoose ayagoo mar walba ku meereysta kooxo dagaalsan ayaan heshiisin doonaa.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Mobil