Boliiska Magalada New york oo Gacanta Kusoo Dhigey Ninkii Diley Imaanka iyo Kaaliyihiisa

0
36

Booliska magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa gacanta kusoo dhigay ninkii dilay imaamka iyo kaaliyihiisa labo maalmood kahor.

Ninkaa ayaa la sheegay inuu yahay 35 sano jir. Waxaa boolisku kusoo oogay ninkaa dacwad ah inuu dil geystay iyo inuu hub sharci darro ah heystay.

Waxaa la sheegay in boliisku mar habeykii Isniintu soo galaysay ay isku dayayeen inay soo xiraan ninkaa uu ninkaasi gaarigiisa ku dhuftay dhowr jeer gaari ay wateen boliisku asagoo isku dayayay inuu baxsado.

Qof marqaati ahaa oo goob joog u ahaa markii imaamka iyo kaaliyihiisa la dilaayay ayaa ninka oo rag kale lala safay ka dhex aqooday asaga sheegayna inuu asaga ahaa wixii ragga laayay.

Biliiska ayaa sidoo kale sheegay inay soo heleen dharkii uu xirnaa iyo qorigii uu sitay ninkaasi markii uu dilka geysanaayay maadaama ay arkeen oo muuqaalo kaamiro ay ka arkeen taasoo duubeysay falka markii uu ku kacaayay ninkaa eedeysanaha ah.

Jaaliyada reer Bangladesh ee qurbajoogga ku ah New York ayaa shacuurtoodu kacsan tahay dilkaa awgii loo geystay imaamka masaajidkooda iyo kaaliyihiisii mar ay kasoo baxeeen salaad kuna sii jeedeen guryahooda.

Duqa magaalada New York ayaa ballan qaaday in caddaalada la marsiin doono ninkii imaamka iyo kaaliyihiisa dilay.

Wuxuu intaa raaciyay, “madoonayno inaanu maqalno codadka isku dayaaya inay nakala qeybshaan.”