Sida lagu daabacay saakay barta wararka ee mid ka mid ah wargeysyada Nairobi kasoo baxa, Guddoomiyaha Meru oo ah deegaanka lagu beero qaadka Kenya ayaa sheegay in naftiisu halis ku jirto kadib markii diyaaradihii qaadka laga mamnuucay Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan dad doonaya inay khaarajiyaan maadaama uu aad uga hadlaayay in dhawaale arimaha la xiriira qaadka. Dhawaan ayaa wuxuu governatooraha Meru Mr Perter Munya tagay Hargeysa arintaa ayaana la sheegay in ay sabab u ahayd in dawlada Muqdisho ay joojiso diyaaradaha qaadka ka keena Kenya.
Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in Mr Munya uu qaadka siyaasadeeyay una adeegsanaayo inuu dalka Soomaaliya ku kala qeybsho.
Mr Munya ayaa sheegay inay jiraan oo uu ogsoon yahay ganacsato kooxo ah oo ay kujiraan qaatiliin kuwaasoo aan ka baqayn inay galaan dambiyo culus kuwaasoo weliba haatan asaga bartilmaansanaya.
Wuxuu Mr. Munya sheegay in siyaasigii Meru ee caanka ahaa ee la oran jiray Ntai wa Nkuraru loo dilay aano jaadka la xiriidha, ayna jeclaan lahaayeen in sidaa oo kale ku dhacdo.
Shalay galab ayaa waxaa mudaaharaadyo hareeyeen magaalada Maua ee degmadaasi Meru ayadoo beeraleyda iyo ganacsatada jaadku ka cabanayeen dhibaatada ganacsigooda soo food saartay.