Afar Qodob oo Muhiim ah oo Looga Hadli Doono Shir Madaxeedka Igad ee Maanta Lagu Wado Inuu Ka Furmo Muqdisho

0
122

Madaxda waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ayaa laguu wadaa inay markii ugu horeysay ay magaalada Muqdisho ku qabtaan shir madaxeedkooda, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii.

Shir madaxeedkan oo saaka furmaya ayaa waxaaa ka qeybgalaya toddobada waddan ee ururka xubnaha ka ah ee kala ah: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda, Djibouti, Jamhuuriyadda Ethiopia, Jamhuuriyadda Kenya, Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, Jamhuuriyadda Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Uganda.

Qodobada shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah:-

1- Xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan
2- Arrimaha diyaargarowga Doorashada Soomaaliya
3- Arrimaha la xiriira iskaashiga
4- Wax wada qabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.