Madaxweyneyaasha Dalalka Kenya Iyo Uganda oo Soo Gaarey Magalada Muqdisho

0
65

Madaxweynayaasha Dalalka Kenya, Uhuru Kenyatta, Uganda Yoweri Museveni iyo R/wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyagoo ka Qayb-galaya Shir-madaxeedka IGAD oo markii ugu horreysay lagu qabanayo maanta Soomaaliya.

Wufuuddan ka socda Itoobiya, Kenya iyo Uganda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo Dhaweeyay Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Dowladda Somalia oo uu ka mid yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, Hoggaamiyeyaashaan oo ay kasoo horreeyeen Wasiirradooda Arrimaha Dibadda ayaa la geeyay Hoteelka Peace oo ku dhaw Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo uu ka dhacayo shir-madaxeedka IGAD.

Sidoo kale, Waxaa la fliayaa inay goor-dhaw iyaguna soo gaaraan Muqdisho Mas’uuliyiin kale oo ka socda waddamada IGAD.