Halklan hoose ka aqriso qodobadii kulankii shaley ay soo saareen shir madaxeedkii IGAD, ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qodobadda ayaa kala ahaa:
1- Adkeynta ixtiraamka ay IGAD u hayaan madax banaanida iyo midnimada dhulka iyo dadka Soomaalida.
2- in Soomaalida loo daayo ka tashiga aayahooda
3- In dowladda qabato Doorasho 2016-ka
4- in ay taageerayaan go’aannada madasha hoggaanka qaran
5- in dowladda Soomaaliya ay sanadkan qabato doorasho
6- in la qabto doorasho hufan, xor ah oo waqtigeeda ku dhacda
7- Waxaa la ammaanay dhismaha maamu goboleedyada iyo dhameytirka midka socda ee Hiiraan iyo Shabeellada dhexe
8- Waxaa AMISOM lagu ammaanay kaalinta ay ka qaateen nabadeynta Soomaaliya
9- Al-shabaab ayaa la dhaleeceeyay gaar ahaa weerarada ay ku qaadaan AMISOM iyo dowladda.
10- Waxaa la faray ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda in ay howlgallada sii wadaan
11- Waxaa lagu dhawaaqay sanduuq dhawaale oo Soomaliya ay ku taageerayaan waddamada dariska iyo beesha caalamka
12- IGAD iyo Waddamada dariska in ay sii taageeraan Soomaaliya
13- Beesha caalamka ayaa looga mahadcdeliyay taageerada ay siiso Soomaaliya
14- Waxaa la dhiirigeliyay in laga shaqeeyo Nabadda iyo xaisloonida
15- In dadka Qaxootiga Soomaalida ka shaqeeyaan dib u dhiska dalka
16- in shirka Qaramada Midoobey ee September New York ka dhacaya lagu qabto shir banii’aadamnimo
17- IGAD iyo nabadda ay Soomaaliya ka hirgelineyso ayaa la soo qaatay
18- Wasiirra IGAD in ay diyaariyaan shirka Djabuti