Ergooyinka ka qayb-galaya shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellada ee ka socda magalada Jowhar ayaa loo qaybiyay Dastuurka uu yeelanayo Maamulkaas.
Dastuurkan oo ah qabyo ayaa wuxuu ka kooban yahay toddoba cutub, kaas oo la doonayo in ergooyinka shirka ka qaybgalaya ay kazoo talo-bixyaan, si loogu daro waxyaabaha ka maqan. Waxaana Dastuurkan ku jira astaanta uu yeelanayo maamulka, xudduudihiisa iyo nidaamka uu ku shaqeynayo.
Sidoo kale, Ergada ayaa lagu wadaa inay isku raacaan magaca uu yeelanayo maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, Waxaana Wasaaradda arrimaha gudaha ay dhawaan ugu baaqday shacabka inay aragtidooda kasoo dhiibtaan magaca iyo astaanta calanka uu yeelanayo maamulka cusub ee loo dhisayo gobolladan.
Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim, ayaa sheegay in toddobaadkan ay ku Ansixin doonaan Qabyo-qoraalka Dastuurka, si loo gudo-galo dhameystirka Maamulka Labada Gobol oo qorshihiisu yahay bartamaha bishan lagu jiro in la doorto Madaxweynaha uu yeelanayo maamulkan.
.