Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu gaaray wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Shariif Xasan.
Waa masuulkii afaraad ee u tartamaya jagada madaxweynenimo ee dalka somaliya oo gaara magalada baydhabo taasoo ilaa iyo hada dadka qaarkii ay ku fasiraan in shariif xasan uu magalada baydhabo ka wado howlihii uu ka heyn jirey magalada muqdisho oo ah dulaalnimo.
Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, ayadoo meel walba lagu arkayo ciidamada Itoobiya oo ku howl gala magaca amisom.