Ergooyinka Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan Iyo Shabeelaha Dhexe oo Sheegey Halka Ay Noqon Doonto Caasimada Maamulkaas

0
38

Warar aynu ka helney Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Ergada ka qeyb galaysa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay u codeeyeen in Caasimada labada gobol ay noqota Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u shaaciyay in Caasimada maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe in ay noqonayso Magaalada Buulo burde ee gobolka Hiiraan

Qaar ka mid ah Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa si weyn u dhaliilay go’aanka ay qaateen Ergooyinka ka qeyb galaysa Shirka Ka socda magaalada jowhar.