Guddiga hirgelinta Doorashada Dadban ee Somalia, ayaa sheegay in lacagaha laga qaadayo Murashaxiinta u tartamaya Xilalka Aqalka Sare iyo hoose ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya loo isticmaali doono Doorashooyinka.
Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka oo u warramayay BBC-da ayaa xusay in dhaqaalaha musharaxiintu ay bixinayaan waxaan u isticmaali doonnaan in aan ku bixinno adeegyada ergooyinka iyo odayaasha dhaqanka.
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa intaa ku daray in xildhibaanka doonaya inuu u tartamo aqalka hoose ee Baarlamaanka oo raga ah uu bixiyo 5,000 oo Dollar, halka hablaha ay bixinayaan 2,500 oo Doollar.
Xildhibaanka Ragga ah ee doonaya inuu u Tartamo Aqlka Sare wuxuu isaguna bixinayaan 10,000 oo Doollar, halka Haweenkuna ka bixinayaan 5,000 oo Doollar oo ah kala bar tan uu bixiyay xildhibaanka ragga ah.