Shariif Xasan Ma Musharax baa 2016 Mise Waa Dulaal?

0
43

Mudo haatan laga joogo 3 sanadood ayay ahayd kolkii odayaasha dhaqanka KoonfurGalbeed inta ay isku tashadeen isuguna tageen magaalada Baydhabo ay go’aan ku gaareen in ay sameystaan maamul koobaya dhamaan Lixdooda gobol talaabadaas ay qaadeen dhaqanka ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay guud ahaan shacabka KoonfurGalbeed sida uu u dhamaa Gude iyo Dibadba.

Howshan baaxada weyn ee dhaqanka oo kaashanaya shacabkooda ku dhaqaaqeen ayaa waxaa ka goos qaniinsanaa koox dulaalnimo u go’day oo uu hogaanka u hayay Shariif Sakiin Dulaalka Dulaalada Bariga Afrika.

Kooxdan Dulaalayda ah ee uu hor kacayay Shariif Sakiin ayaa Intii ay dhaqanka iyo shacabkooda ku howlanaayeen sameynta maamulka ayaa iyaguna waxay ku guda jireen dibin daabyaynta iyo jalaafaynta ummadda KoonfurGalbeed si ay u fuliyaan damaca Xasan Shiikh iyo Beeshiisa ee ku aadanaa in Digil iyo Mirifle marnaba aayahooda ka tashan isjiid jiid badan ka dib Shariif Sakiin waxaa u suura gashay in uu umadii uu ku kala furfuro dhaqaalihii Dulaalnimada uu kaga soo qaatay Beesha Hawiye iyo Xasan Shiikh isagoo markaasi ku beer laxawsanaya in beesha caalamka aysan ogoleyn in reer KoonfurGalbeed ay sameystaan maamul ka kooban lix gobol bedelkeedana beesha caalamku ogoshahay inay sameystaan maamul ka kooban seddex gobol oo kaliya hadii aysan sida ugu dhaqsiyaha badan ku ogolaana inayba weyn doonaan gobolka Shabeelaha hoose una soo hari doonaan Bay iyo Bakool.

Dabinkaas uu dhigay Dulaal Sharwade Shariif Xasan ayaa waxaa ku dhacay dhamaan odayaasha dhaqanka ee KoonfurGalbeed haba ugu horeeyaan kuwa kasoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose oo garab weyn u noqday xiligaas Shariif Sakiin siduu u hirgelin lahaa qandaraaskaas uu lasoo galay Beelaha Daarood iyo Hawiye oo aad uga welwelsanaa dhismaha maamul ay wada yeeshaan Lixda gobol ee KoonfurGalbeed.

Dhacdadan xanuunka badnayd ee uu Shariif kula kacay Dadkiisa iyo Dalkiisa isagoo Dulaal u ah cadowga ummaddan kadibna waxaa soo shaac baxay su’aalo ay Shacabku isweydiinayaan oo ku aadan danaha uu Shariif ka lahaa kalagoynta ummadda oo hadii uu Shariif Maaldoon ahaamawaanay ku filaan lacagihii uu Dulaalnimada ku qaatay? Hadii uu Kursi doon ahaa mawaanu ku fariisan Labaatan biloodse muxuu qabtay Sedexdii gobolse oo beesha caalamku inoo ogolayd aaway maanta oo gacantiisa ku jira?.

Maamulka Shariif Sakiin sida uu ku doodo waa maamul ka kooban sedex gobol Bay,Bakool iyo Shabeelaha hoose sida aad maanta wada aragtaan ma jiraa gobol ama degmo uu amarkiisa kasocda? Xitaa magaalada Baydhabo?

Halka Shabeelaha hoose iyo Bakoolna ay mooryaanta Hawiye iyo Tan Daarood ka dhigteen goobo ay shacabka ku Dilaan ku dhacaan kuna kufsadaan waa yaabe aaway Beeshii caalamka uu Shariif sheegi jirey inay Sedex gobol inoo ogoshahay iyo Isagiiba?

Ma waaney Su’aaluhu intaa ka badney oo Shacabkuna Jawaabsuge ahayn bal fiiri maamulka Shariif Daciifnimadiisa dad ka yar tiro ahaan 1% dadka ku nool Gobolka Bakool uga dul dhawaaqeeyn maamulka Bakool sare inuu wax ka qabto daayee waxa uu ogolaaday inuu waanwaan Dulaalnimo ah la galo taasi oo reer Bakool ka careysiisay halka gobolka Shabeelaha hoose uuba maamulka Shariif Sakiin cadeeyay inaanu hoos imaan maamulkiisa dhibta ka jirtana aanu war u hayn iyadoo maacuunta reer Shabeelaha hoose hor boodaysa sida Dhaqan,Siyaasiyiinta iyo weliba wax garadkuna ay isku maaweelinayaan inuu Shariif maalin uun Dulaalnimada ka bixi doono kana xoreyn doono gobolka Mooryaanta beelaha Hawiye ee dharka Ciidanka Qalabka sida loo soo geliyay oo ku habsadey gobolka! Intan oo Fashil ah isagoo dhex maquuranaya maamulka Shariif isla markaana arkaya fashilka ku dhacay Beentii uu Shacabka ku afduubtay ayaa hadana waxa uu bilaabay dacaayado raqiis ah oo uu ummadda ku jahwareerinayo si ayan uga hor imaan madaama beentiisii ay wada arkaan manta been-nimadeeda.

Shariif ayaa bilaabay inuu ku haasaawo si uu dadka u khaldo “Markan….Tookadaan…..Waqtiguun la roogo way fadaanee “Madawiine!Madawiine!”Tallow Shariif oo dhumiyay Lixdii gobol,xubnihii caqalka sare,Baarlamaankana Dulaalo u xulanaya Madaxweyne-nimada uu tilmaamaayo ma waanay ahayn inuu Digil iyo Mirifle dhaafiyo Afhayeenka Baarlamaanka?

“Cad yahow ku cuni amaba ku ciideeyi”waa mid ka mid ah maahmaahyada Soomaalida sidaa oo ay tahay ayaa hadana qaab dhaqanka Shariif ee Dulaalnimada ku dhisani aad u shabahdaa oo Shariif inuu isaga wax noqdo mooyee in cid kale ay wax noqotana uga dhigan dhimasho balse waxaan leenahay Ummadan waa kaa horeysay weyna kaa danbayn doontaa taariikhdana baalka madoow adoo nool ayayba kuu gashay.

Looganoow looba jooge!

Yasin Abicar