Itoobiya oo xabsiga Kasii Deysey in Ka Badan 2000 oo Ruux oo Ay u Qabteen Rabshadihii Maalmahan ka Socdey Itoobiya

0
72

Ciidamada Amniga Itoobiya ayaa xabsiga kasii daayay illaa 2,000 oo qof oo Todobaadyadii la soo dhaafay la xiray, sida ay baahisay Warbaahinta Fana oo xiriir la leh Xukuumadda Itoobiya.

Maxaabiistan xabsiyada laga sii daayay, ayaa horay loogu eedeeyay inay ku lug-lahaayeen rabshadihii Dalkaas ka dhacay billooyinkii la soo dhaafay, kuwaasoo geystay khasaarooyin kala duwan.

Warbaahinta Fana oo soo xiganaysay Wasiirka Difaaca Dalka Itoobiya, Siraj Fegessa ayaa ku warrantay in Dadkaan xabsiyada laga daayay, kaddib markii ay ku Warrameen in ay ka Waaantoobeen khaladaadkii ay sameyeen.

Wasiirka Difaaca Itoobiya, ma sheegin tirada Dadka wali ku harsan Xabsiyada Dowladda, iyadoo kumannaan dadweyne ah la xiray tan iyo markii illaa markii dalkaas lagu soo rogay xukunka deg-degga ah.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha, ayaa horay u sheegay in 500-qof ay ku dhinteen mudaaharaadyada ka socday Waddankaas Toddobaadyadii lasoo dhaafay, kuwaas oo inta badan ahaa dad kasoo jeeda Gobollada Oromia iyo Amxaarada Itoobiya.