Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay si buuxda ay ula wareegeen deegaanka Goofgaduud oo 30 Km u jirta Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay isaga baxay deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay , ka dib markii ay sheegeen in ay soo wajahday mushaar la,aan , waxaana taasi ay fududeysay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay gudaha u galaan marka kale deegaanka Goofgaduud.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay gacanta ku hayaan deegaanka , islamarkaana ay madaxdooda ay u khudbeeyeen dadka kunool deegaanka Goof Gaduud ee gobolka Baay.
Sarkaal ka tirsan ciidanka maamulka Shariif Xasan oo la hadlay warbaahinta muqdisho ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay wadaan abaabul dagaal ,islamarkaana ay dhawaan gaari doonaan deegaanka Goofgaduud.