Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” iyo Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa shalay dib u billaabay wadahadalkooda
ku aaddan hirgelinta xabbad joojinta magaalada lagu muransan yahay ee Gaalkacyo iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wakiillo ka socday Beesha Caalamka.
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa waxaa weheliyay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Lydia Wanyoto, Axmed Jire oo ka socday Urur Goboleedka IGAD.
Waxay la kulmeen hoggaanka dhaqanka, odayaasha beelaha, iyo dhallinyarada labada dhinac ee isku haya magaalada Gaalkacyo, si ay u dhegeystaan dareenkooda iyo soo jeedintooda, oo ay ka midyihiin sababaha asalka u ah colaadda Gaalkacyo, arrimaha keena inuu sii socdo iyo habka lagu heli karo nabad waarta.