Reysulwasaare Cumar Cabdirashiid oo Ku Guuleystey Inuu Xal Ka Keeno Khilaafaadka Puntland iyo Galmudug

0
55

Ra´iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ayaa ku Guuleystay inuu kala qaado Ciidamada Labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo isku hor-fadhiyay in muddo ah xaafado ka tirsan Gaalkacyo.

Sharma’arke oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa heshiis kala dhex dhigay hoggaamiyeyaasha labada dhinac, waxayna Hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo Puntland isla ogolaadeen inay qaataan heshiis, isla markaana ciidamada la kala qaado.

RW Cumar oo ay wehlinayeen labada madaxweyne ee maamulada Galmudug iyo Puntland C/kariin Xuseen Guuleed iyo Cabdweli Maxamed Cali, Waxaana sidoo kale ku wehlinayay Saraakiisha Ciidamada labada maamul.

Ugu dambeyn, Hogaamiyeyaasha maamullada Galmudug iyo Puntland, ayaa sheegay in ay dhab ka tahay dhammeynta Colaadda Gaalkacyo, isla markaana ay Dhaqan-gelin doonaan illaalinna doonaan heshiiska la gaaray.