Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidammada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa lagu waramayaa xalay ilaa maanta in uu ka soconayo deegaanka Goofgaduud ee gobolka Baay.
Dagaalka ayaa bilaawday kaddib weerar culus oo dagaalyahannada Al-shabaab ku soo qaadeen fariisimo ciidammada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Goofgaduud, waxaana wararku sheegaya in dagaalku sababay khasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa lagu waramayaa in la gaarsiiyay qaar ka mid ah dadkii ku dhawacmay dagaalka oo ay ku jiraan ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka K/galbeed iyo saraakiisha ciidammada dowladda oo la xiriira dagaalka ka soconaya qeybo ka mid ah gobolka Baay.