Gudiga Doorashooyinka Maamulka Shariif Sakiin oo Ergo Aan La Aqoon Meel Ay Ka Yimaadeen Daaqada Kasoo Geliyey

0
58

Maamulka shariif Sakiin ayaa maanta musuqmaasuqiisa meeshii ugu sareysey gaarey kadib kolkii liiska musharixiita ka saarey musharaxa beesha xiif muge ee beesha shanta caleemood.

Gudiga doorashooyinka shariif sakiin ayaa si ula kac ah darishada uga saartey liiska ergooyinka beesha xiif muge ayagoo ku bedeshay liis ergo kale oo ay kasoo arursiyeen gudaha magalada baydhaba.

Waxaa la sheegayaa in booska xildhibaanka beesha xiif muge lagu bedeley gabar ka tiran beesha barbaare oo la sheegey in waxoogaa sanuud ah ay ka qaateen maamulka shariif.

Malaaqa guud ee beesha shanta caleemood Malaaq Siidow Maadow ayaa arintaas si cara leh kaga hadley isla markaana warqad qoraal ah u gudbiyey gudiga doorashooyinka dadban ee dowlada federaalka isagoo sheegey in ergooyinkaasi aysan aheyn ergooyin ay ayaga soo gudbiyeen doorashana aysan halkaasi ka dhicin.

warqad2

warqad1