Maamulka Shariif oo Xaley Soo Gabagabeeyey Xulashada Xildhibanada Barlamanka 2016

0
79

shariif-xasanMagaalada Baydhabo ayaa habeenkii xaley lagu soo gaba gabeeyay xulashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashadan oo galabnimadii shalay bilaabatay ayaa xalay la soo gaba gabeeyay, waxaana lagu doortay Labadii xubnood ee ugu dambeysay ee ka mid noqda Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiga koowaad oo xalay ay ku tartameen Xuseen Maxamed Sheekh iyo Cumar Cali Maxamed ayaa waxaa ku soo baxay Xuseen Maxamed Sheekh oo helay 50 cod.

Sidoo kale kursiga Labaad oo ay ku tartameen Xasan Macalin Xuseen iyo Xasan Xaaji Ibraahim ayaa waxaa ku soo baxay Xasan Macalin Xuseen oo helay 40 cod.

Doorashada Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay oo socotay mudo ka badan bil ayaa gabi ahaan xalay la soo gaba gabeeyay ayadoo uu hareereeyey dood badan iyo musuqmaasuq baahsan uu maamulka shariif ku kala xulanaayey dadka ka mid noqonayey xildhibaanada baarlamaanka cusub.