War Deg Deg Ah: Ciidamo Taabacsan Maamulka Gobolka Shabelaha Hoose iyo Kan Degmada Afgooye oo La Wareegey Gacan Ku Heynta Isbaaradii Baar Ismaaciil

0
70

War deg deg ah oo naga soo gaarey degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa waxaa ay ku waramayaan in bartii koontroolka baar ismaaciil ee dhaca wadada u dhexeysa magalada afgooye iyo muqdihso oo ay isku hor fadhiyeen ciidanka maamulka koonfur galbeed iyo maleeshiyaad uu hogaaminaayo Gaashaale Nuur Xayir Cali oo kasoo jeeda maamul goboleedka galmudug.

Ayadoo saacada bariga afrika haatan tahay 1:30 saqdii dhexe ee habeenimo waxaa barta koontrool iskaga dareerey madaxii isbaarada baar ismaaciil ee degmada afgooye Gaashaale Nuur Xayir Cali iyo mooriyaantii uu hogaamiyaha u ahaa.

Wararkan deg dega ah oo ay xaqiisey daafeet.com ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaadkii uu watey Gaashaale Nuur Xayir Cali ay u dhaqaaqeen dhankaas iyo mukuyga halka loo yaqaan, Halka maleeshiyaadka Xasan Dhicisow ayagana ay fadhi cusub ka sameysteen halka loo yaqaan 5ta golaha sare, Ayadoo haatana bartii koontorool ee baar ismaaciilna ay xiligan ku sugan yihiiin ciidamada maamulka konfur galbeed.

Talaabadan uu qaadey maamulka gobolka shabeelaha hoose iyo kan degmada ayaa waxey u muuqataa talaabo bilow ah balse u baahan in la dhameystiro ayado sida laga wada dheregsan yahayna gobolka shabelaha hoose waqtigan xaadirka ah yahay gobolka keliya ee ay usoo shaqo tagaan maleeshiyaadka isbaarooleyda ee kasoo jeeda maamul goboleedyada hirshabeele iyo galmudug.