Qaramada Midoobay,Midowga Africa, IGAD, Itoobiya, Italy,Sweden,The United Kingdon iyo Maraykanka ayaa walaac xoog leh ka muujiyay doorasho shalay ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle taasoo uu ku guuleystey Musharax hore loogaga joojiyay inuu ka qeybgalo doorashada.
Guddiga doorashooyinka dadban ayaa qoraal uu soo saaray dhowaan waxaa uu ka joojiyay in ay doorashada kursiga beesha Jidle ka qeybgalaan Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Cabdulaahi Xasan Nuux iyo Axmed Shiikh Nuur kadib markii lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen fadqalalo ka dhacday gudaha xarunta doorashada iyo banaankeeda taasoo ay ku dhaawacmeen dhowr ruux.
Beesha caalamka ayaa ku tilmaantay doorashadii ka dhacday Jowhar gaar ahaan kursiga Jidle waxa uu jebinayaa sharciyada doorashada 2016, iyadoo weliba sheegtay in aysan aqoonsanayn doorashadii uu ku soo baxay wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga dalka Soomaaliya Nuux ayna taageersan yihiin go’aanka ay ka gaareen guddiga doorashada.
Sidoo kale danjire Keating ayaa sheegay in qof walba oo isku daya inuu ku xadgudbo sharciyada doorashooyinka oo ay guddiga doorashooyinka ogaadaan waa in loo qabtaa xadgudubka ay ku kaceen.