Qarax xoogan oo maanta ka dhacay Xarunta Laanta Canshuuraha Berriga oo ku taalla agagaarka Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa waxaa uu geystey qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac inta la ogyaha ilaa iyo hada waxaa ku dhintey 9 ruux halka dhaawaca uu kor u dhaafey in ka badan 12 ruux oo qaarkood dhaawac halis ah.
Qaraxan ayaa dhacay xilli uu billowday ganacsiga, sidoo kalena shaqaalaha Dekedda Muqdisho ay isku diyaarinayeen shaqo, inkastoo aysan jirin weli cid sheegatey masuuliyada weerarkaan.
Qaraxan ayaa loo adeegsaday Baabuur Qaraxyo laga soo buuxiyay ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay ay ciidamada nabad-sugida Somalia ku sheegeen warbixin ay soo saareen inay fashiliyeen Qarax la doonayay in lsoo geliyo Muqdisho.
Saraakiisha Booliiska Somalia oo warbaahinta la hadlay ayaa qaraxan ku eedeeyey Al-shabaab, isla markaana sheegay in khasaare aad u xoog badan uu geystay.