Cabdirahmaan Faroole oo Markii Ugu Horeysey Ka Hadley Kulan Ay wada Yeesheen Asaga Iyo Siyaasiyiin Kasoo Jeeda Beeshiisa

0
91

Madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Puntland C/raxmaan Max’ed Max’uud Faroole, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kulan magaalada Garoowe ku dhaxmaray isaga, madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/wali Gaas, Ra’iisal wasaare Sharm’arke iyo siyaasiga C/risaaq Jurile.

Kulanka oo ahaa mid saaxafada aan loo ogalaan oo ay dibad joog ka ahaayeen, ayaa wax markii danbe wax laga weydiiyay C/raxmaan Max’ed Max’uud Faroole oo qeyb ka ahaa kulanka, isaga oo sheegay in uu ahaa kulan wadda tashi ah oo kaliya.

Waxaa uu waxba kama jiraan ku sheegay warar soo baxay oo sheegaya in uu Cumar C/rashiid uu uga tanaasulay musharaxnimadii xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, kulanka oo ahaa mid siyaasadeed ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay si weyn looga hadlayay qeybo ka mid ah dalka,madaama maalmo kooban naga xigaan waqtiga loo qabtay doorashada madaxweynaha.