Wakiilka QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Michael keating ayaa habeenkii xaley kulan kula yeeshey magalada muqdisho Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka.
Kulanka oo ay Albaabadu u xirnaayeen ayaa la sheegay in Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka iyo Danjire Michael keating ay ka wada hadleen Arrimo ay ka mid yihiin 11-ka Kursi ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu laalay iyo Qeylo dhaanta kale ee weli ka soo yeereysa Musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Beelaha intaba.
Weli lama oga Natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday Kulanka Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Wakiilka QM u qaablisan Soomaaliya Michael keating ku dhexmaray Magaalada Muqdisho.
Guddiyada Doorashooyinka Jubbaland,Koofur Galbeed, Hirshebelle , Galmudug iyo Jubbaland ayaa si wada jir ah uga horyimid Go’aanka Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay ku joojiyeen 11 -ka xildhibaan ee la doortay.
Kulankaasi wuxuu ku dhammaaday in liska dad kale laga soo tagay ee lagu soo daro kuwaasoo tiradooda ilaa iyo hadda lagu sheegay 3 xubnood.
Comments are closed.