Ciidamada Alshabab oo Xaley Weerarey Degmada Mahadaay Mudo Koobana Ku Sugnaa

0
91

Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in xalay weerar culus ku qaadeen degmada Mahadaay oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe, iyagoo saacado kooban la wareegeen qeybo ka mid ah degmada.

Iska horimaadka xoogiisa ayaa ka dhacay sida ay goob joogayaasha sheegeen Buundada degmada oo fariisin u ahaa ciidamada dowladda.

Xoogaga gudaha u galay degmada ayaa ku sugnaa halkaa ilaa aroornimadii hore ee saakay oo markii danbe ay iskood isaga baxeen.

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya degmada ayaa sheegaya in xiligan ku sugan yihiin ciidammada dowladda oo dib ula wareegay saakay markii ay halkaa isaga baxeen dagaalayahanada Al-shabaab.