Hogaamiyayaasha madasha-wadda-tashiga Qaran ayaa maanta la filayaa inay warbixin dhameystiran ka dhageystaan guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka, kaddib markii ay maalmo ka hor laaleen natiijada doorashada 11-kursi.
Guddiga ayaa lagu waddaa in ay warbixin ka siiyaan madasha-wadda-tashiga qaabkii ay u xaliyeen cabashooyinkii hor-yaalay iyo go’aan ka gaaristooda 11-ka kursi.
Wakiilo ka tirsan Beesha Caalamka ayaa la filayaa inay goob joog ka noqdaan shirka madasha oo maalintii labaad galay.
Danjiraha QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa waxaa uu kaga dalbaday guddiga xallinta khilaafaadka inay sharaxaad dhab ah ka bixiyaan sida lagu xaliyay 13 kursi oo ka mid ahaa 24-kursi oo uu horay guddiga u sheegay in dacwad adag laga keenay, iyadoo markii dambe Guddiga uu ku soo koobay dacwadaas 11 kursi oo uu natiijada doorashadooda laalay.