Ciidamo ka tirsan maamulka goboleedka Puntland ayaa maanta meel u dhow degmada Qandala kula dagaalamay xoogag ka tirsan kooxda Daacish oo uu hogaaminaayo Sheekh C/qaadir Muumin horay Al-shabaab oo dhawaan laga qabsaday degmada Qandala.ee gobalka Bari.
Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay maqlayeen hubka fudud oo labada dhinaca isku adeegsadeen,walina aysan arkin wax khasaaraha ah.
Sidoo kale,masuuliyiin ka tirsan Puntland oo warbaahintu ay khadka telephone ku la xiriiren ayaa ka gaabsaday ina ka waramaan khasaarihii so gaaray iyo kan ay gaysteen dagaalka maanta ee ka dhacay Aaga Qandala.
Wixii warar soo kordhaa dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa haduu alla idmo.