Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in marnaba ciidammada AMISOM looga hari doonin tacadiyada ay kula kacaan dadka rayidka ah lagulana xisaatami doono.
Mar uu ka jawaabayay wax ay ka og-yihiin hooyo Soomaaliyeed oo dhawaan mid ka mid ah gadiidka AMISOM uu ku dilay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in ciidammada AMISOM dalka xoog ku joogin, sharcigana lala tiigsanayo cid kasta oo falkaa geysatay.
Dhinaca kale, waxaa uu sheegay in falalka noocan oo kale ah gaar ahaan shilalka ciidamada AMISOM ka bixiyaan magdhaw, islamarkaana uu goob joog u ahaa bixinta magdhaw ay ciidamada siiyeen qoysas dhibaatadan oo kale ay u geysteen.
Ugu danbeyntii, caruurta hooyadii dhawaan ciidamada AMISOM ay ku dileen magaalada Muqdisho ayaa dalbaday in ay magdhaw laga siiyo dilka hooyadood iyaga oo baaq u diray dowladda dhexe iyo midowga Africa.