Warar dheeri ayaa ka soo baxaya 11 ruux oo lagu eedeynayo in ay ku dilaan maalintii shalay oo kaliya ciidammada AMISOM gobolka Sh/hoose, waxaana dadkan ka mid ahaa hooyo iyo caruurtii ay dhashay.
Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Najax oo maanta warbaahinta la hadley ayaa sheegey in ciidammada AMISOM qoriga baasuukaha ku dhufteen dad rayid ah oo la socday gaari ku sii jeeday dhinaca magaalada Baydhabo, waxaana isla goobta ku dhintay ayuu sheegay lix ruux oo ka ganacsan jiray qudaarta.
Guddoomiyaha ayaaa intaa ku darray in dhinaca kale gaadiid ay la socdeen ciidammada AMISOM uu dulmaray guri ay degenaayeen qoys Soomaaliyeed oo ka koobnaa shan ruux kuwaa oo goobta ku wada dhintay.
Waxaa uu sheegay in maamulka gobolka Sh/hoose hoose dhacdadan u saareen guddi soo baara arintan sidda uu hadalka u dhigay.