Koox sheegatay inay ka soo horjeedaan inuu Shariif Xasan u tartamo kursiga Madaxweyne-nimo ee dalka oo ku kulmay Muqdisho ayaa sheegay inuu Shariif yahay Khaa’in isla markaana uu lunsaday dhamaan dhaqaalihii loogu deeqay reer KoonfurGalbeed sidaa darteedna aanu istaahilin in masiirka dalka lagu aamino.
Kooxdan oo ay ka dhex muuqdeen Shaqsiyaad uu ka mid yahay Wasiiru Dowlaha dowlada xiligeedu dhamaaday Khaalid Cumar Cali aan ummadda KoonfurGalbeed iyo guud ahaan Soomaalidaba aan wax sumcad ah ku lahayn isla markaana ka mid ahaa kuwa danbiga ay Shariif Xasan ku eedeynayaan inuu galay ay iyagu ku garab siiyeen balse haatan ay kusoo fashilmeen damacoodii ahaa inuu Shariif Xasan u abaalgudi doono oo uu u Musuqmaasuqi doono kuraasta Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya.
Kooxdan ku soo fashilantay Baydhabo ayaa Muqdisho ka bilaabay inay Dulaal u noqdaan tartamayaasha Madaxweyne-nimo ee kasoo jeeda beelaha Hawiye oo haatan hamuun u qaba dacaayad Shariif Xasan loogu dhex furo gudaha Maamulka KoonfurGalbeed.
Halkan ka dhegayso
Ku dhegayso Mobilkaaga.