Dhegeyso: Fashilka Generaal Xaamud oo Ciidanka Boliska Ka Dhigey Ciidan uu Leeyahay Xasan Sheekh

0
88

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya S/Gaas Max’ed Sheikh Xasan Xaamud ayaa war aan wanaagsaney ku dhawaaqey isagoo ka dhigey ciidanka boliiska ciidan uu leeyahay madaxweyne xasan sheekh.

Generaal Xaamud ayaa u sheegay Xasan Sheikh inuu ku tashto codka seddex Sarkaal Boolis oo hada ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaan la soo doortay.

Hadalka generaal xamud ayaa waxaa uu yahay hadal ka turjumaya waxyaalaha inta badan lagu eedeeyo madaxda africa, ciidamada waa ciidan qaran cidanka qarankana waa in uu ahaa mid ka madax banan siyaasada dalka isla markaana uu noqdaa mid u dhexeeya dhamaan tartamayaasha xilka madaxweyne.

Haddii Generaalkii la lahaa aqoon ayuu leeyahay fikirkiisa intaas noqdey maxaad ka filan kuwa ayagoo mooriyaan ah marka laga dhigo abaan duulayaan iyo taliyeyaal.

Bal nala dhegeysta hadalka generaalka.

Xaamud

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Xaamud Mobil