Wararka aynu ka heleyno magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in xeebaha magaaladaas ay ku degtay Doon siday shixnad kala duwan oo u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed.
Wararka ku saabsan Doonta ayaa sheegaya in ay ka timid dalka, waxaana wararku sheegayaa in ay qalibantay markii ay u jirtay dekeda wax ka yar 14 Ml.
Kuluumeysato ayaa la sheegay in badbaadiyeen ilaa 7 qof oo ka mid ahaa dadkii la socday doonta, hasse ahaatee waxaa la la’yahay oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka ay ku danbeeyeen shan ruux.
Waxaa weli wocda baadi-goob xoog leh oo ay wadaan ciidamada badda Puntland oo airntan siweyn uga howlan.