Madaxweynaha waqtigiisa dhamaadey Hassan Shekh Mahmud ayaa maanta waxa u dhambaal ka guddoomay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Jordan Cabdalla A-thani Ibnu Xuseen, kaas oo uu ka siday boqorka dalka Jordan Bqor Cabdalla A-thani Ibnu Xuseen.
Boqorka ayaa waxaa u dhambaalkan u soo wakiishay inuu garsiyo Madaxweynaha Soomaaliya Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna wasiirka Maalgashiga dalkaasi Dr Jawaad Al-anaani oo maanta yimid magaalada Muqdisho.
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey Boqorka dalka Jordan dhambaalka uu u soo diray, waxa uu sheegay in labada dal ay yihiin walaalo taariikh ay ka dhaxeyso, sidoo kale waxa uu xusay madaxweynuhu in la joogo waqtigii uu bilaaban lahaa dedaalka Jordan ay uga qeyb-qaadaneyso horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa salaan u diray boqorka Jordan, isla markaana ballan qaadey in dib loo hagaajin doono xiriirka tooska ah ee ka dhaxeeya labada dal, sida ugu dhaqsiyaha badan.