Aqriso 11 Qodob oo ay Ku Hishiiyeen Maamulka Somaliland iyo Khaatumo State

0
147

Maamulada Somaliland iyo Khaatuma oo bilooyinkii u dambeeyay heshiiskooda uu ahaa mid aan sidaa u wanaagsaneyn ayaa waxa ay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya kulan ay ku yeesheen ku kala saxiixdeen ilaa 11 Qodob.

Labada dhinac ayaa isla meel dhigay qodobo dhowr ah, waxaana qodobada ay muujinayaan isku biiritaan dhab ah iyadoo ay sheegeen inay si wadajir ah ula dagaalami doonaan cidii ka hor timaada qodobada ay ku heshiiyeen.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QODOBADA:-

1. in wada hadal iyo wada xaajood lagu dhameeyo khilaaf kasta oo jira.

2. In wixii fadqalaalo iyo dacaayad gudeheena ah lajoojiyo meelna looga soowada jeesto

3. In meel looga soo wada jeesto wixii gacan saddexaad ah ee faragalin ku samayn karta inta wada hadaladu soconayaan.

4. In laga wada xaajoodo wixii ku saabsan dhiig iyo dhaqan.

5. In laga wada shaqeeyo xoojinta nabadgalyada.

6. In ciidamada somaliland ee ku sugan Sool, Sanaag, Bari iyo qeybo buuhoodle ka mid ah dib loo qorsheeyo joogitaankooda iyadoa la tixgalinaayo marwalba baahida iyo xaalada nabadgalyo sida ay tahay.

7. In aan la qorin Ciidan beeleedyo cusub inta wada hadaladu socdaan.

8. In maamul daadajin buuxda la sameeyo oo taabanaysa dhinacyada Siyaasada, Dhaqaalaha, Maamulka ,Arrimaha bulshada iyo nabad galayada.

9. In wadajir looga howlgallo sidii mashaariic waa weyn oo horumarineed looga hirgalin lahaa goboldaasi.

10. In la iska kaashado sidii gargaar loogu raadin lahaa, loona gaadhsiin lahaa dadka abaaraha ku tabaaloobey.

11. In Hay’adaha samafalka iyo Qaramada Midoobe ka hawlgalaan kana qaadan xayiraada goboladaasi.

Si kasataba arintu ha ahaatee ariinta guud ee somaliya ayaad moodaa in dhamaantoodba laga wada xukumo dalka ityoobiya isla markaana hadaan arintaas laga hor tegin ay somaliya noqon doonto gobol ka tirsan itoobiya.

Musiibadan ku dhacdey dalka somaliya ayaa waxaa hormuud ka ah kooxo yar ay mar walba owrka ugu kacsada qabyaalad si ay danahooda gaarka ah u fushadaan dalka somaliya ayaa maanta gebi ahaan waxaa laga maamulaa dalka itoobiya xitaa kuwa sheeagana iney somaliya ka go,een.