Qaramada Midoobay ayaa 3.2 Million oo Dollar ugu deeqda Abaarta Soomaaliya, si loogu badbaadiyo dadka iyo duunyada ku dhibaateysan Gobolada Soomaaliya.
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in lacagtan ay ku taageereyso waxqabadka bani’aadamnimada qoysaska ay abaartu saameysey ee Soomaaliya ayaana loo qoondeeyey.
Peter de Clercq, Xiriiriyaha hawlaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in lacagtan lagu bad baadinayo Dadka ay Abaarta saameysay, si ay u helaan cunto, biyo nadiif ah iyo caafimaad, nafaqo dheeri ah iyo adeegyada fayadhowrka iyo nadaafadda.
Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, ugu yaraan 5 milyan oo Soomaali ah ama Boqolkiiba Afartan ay u baahan yihiin gar gaar bani’aadamnimo, oo ay ku jiraan in ka badan 320,000 oo carruur ah oo ka yar 5 sano ay heysato nafaqo-xumo hayso.