Safiirka Dowlada Mareykana u Fadhiya Somaliya oo Ka Hadley Kuraastii La Laaley

0
93

Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz oo wareysi gaar ah siinayay laanta afka Soomaalida ee VOA-da ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay aragtida beesha caalamka ee doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan kuraastii dhawaan ay dib u celiyeen gudiga madaxa banaan ee doorashada.

Safiirka ayaa qiray in xarumaha dowlad gobolleedyada, ka dhaceen falal danbiyeedyo, musuq maasuq iyo wax is daba marin, oo dhamaantood xadgudub ku ah arimaha doorashada.

Mar uu soo hadal qaaday liiskii guddiga xalinta khilaafaadka ee ahaa 11-kii kursi ee la laalay ayuu sheegay in Mareykanka iyo dalalka kale aysan raalli ka aheyn, isagoo xusay in laga saaray liiska kuraastii ugu saameynta badnaa marka laga hadlayo musuq maasuqa.

Waxaa uu sheegay Mr Stephen Schwartz in ay ayidayaan natiijada doorashada, hadii ay arkaan in hanaanka doorashada uu noqdo mid la aamini karo.

Ugu danbeyntii, safiirka ayaa soo hadal qaaday caqabadaha ka taagan doorashada aqalka Sare ee Somaliland, isagoo xusay in arrintaas xalinteeda wali la wado.