Warar kol dhaweyd inaga soo gaarey magalada muqdisho ayaa sheegaya in labo qarax oo waaweyn goor dhaw ka dhaceen naxaawiga garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Qaraxyadan ayaa lagu waramayaa in ay ahaayeen kuwo loo adeegsaday gadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay,sida ay sheegeen dadka ka agdhawaan halka ay qaraxyada ka dhaceen.
Mid ka mid ah qaraxa ayaa lala bar tilmaameystey bar koontarool oo ku dhaw xerada Xalane, halka qaraxa labaad lagu beegsaday hotelka Peace oo ah hotelkii sanadkii hore lagu qabtay shir madaxeedkii urur gobolleedka IGAD,
Si kastaba arintu ha ahaatee somaliya ayaa beryahan waxaa ay ku jiltaa xalada kala guurka halka madaxdiina ay ku mashquulsan yihiin doorashooyin dadban alshababna ay ku mashquulsan tahay sidii ay xasilooni dari uga abuuri lahyd magalada muqdisho.