Gobolka shabeelaha hoose ayaa hoy u noqdey isbaarooyinka ay dhigtaan kooxaha kasoo kicitimey gobolada dhexe ee dalka somaliya iyo ciidamo u abaabulan qaab beeleed isla markaana xiran dareyska dowlada.
Maamulka gobolka shabeelaha hoose ayaa beryahan dambe bilaabey iney ka hadlaan isbaarooyinkaas halka maamulka shariif xasan iyo xukuumada federaalka aysan marnaba ka dhawaajin dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan kooxahan wax magarata ah oo aqligoodu ku ekaadey iney isbaaro shaqo ka dhigtaan.
Bal nala dhegeysa gudoomiye ku xigeenka arimaha dhaqaalaha cabdifataax cabdulle oo ka hadlaya arintaas waakan ee nala dhegeysta.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada