Hogaamiyaha Maamul goboleedka goboleedka Jubaland Axmed Max’ed Islaam oo khudbad dheer oo uga hadlayay waxqabadka maamulkiisa sanaddii aynu soo dhaaftey 2016 ka horjeedayay xubnaha golahiisa wasiirada ayaa ka hadlay arimo ku saabsan kuraasta ay gudiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ay shaaciyeen in si musuqmaasuq ah lagu soo doortay oo dib doorasho loogu celin doono.
Waxa uu sheegay in Jubaland ay ahayd maamul goboleedka ugu khilaafaadka yar, islamarkaana lasoo celiyay hal kursi oo qura, isagoo xusay in wax lala yaabo ay tahay in la qeeybsado kuraas musuqmaasuq lagu soo eedeeyay oo qaar badan oo kamid ah ay madashu go’aan ku gaarto in sidoodii loo daayo.
Madaxda madasha qaran ayuu Axmed Madoobe sheegay in arrinta kuraasta lasoo celiyay ay ka doodeen islamarkaana laga wada xaajoodeen sidii loo qeybsan lahaa kuraasta lasoo celiyay.
Waxa yiri”Kuraastii waxaa la yiri halagu qeeybiyo deegaan, 4.5 mise maahane haloo qeeybiyo dowlad goboleedyada, xageen ku aragnay dambi la qeeybiyo.”
Waxa uu xusay in aysan ogolayn go’aankaasi, isagoo yiri “Jubaland hal kursi baa la soo celiyay, halkii kursi qeybtii dambiga la qeeybinayay baad ku yeelateen, sax maahan.”