Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari ayaa Muqdisho uga dhawaaqay in mar kale uu u taagan yahay qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiga qaban-qaabada doorashada hogaanka sare ee gollaha shacabka ayaa dhawaan ku dhawaaqa waqtiga kama danbeysta ah ee la qabanayo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeennadiisa, waxaana socota diiwaan-galinta musharixiinta u taagan xilkan.
Prof Jawaari oo afartii sano ee la soo dhaafay ahaa guddoomiyaha baarlamaankii ayaa mar kale sheegay in uu daneynayo hogaamiyo gollaha shacabka sanadka 2016-2020.
Munaasabad ayuu ka sheegay in hadii loo doorto guddoomiyaha baarlamaanka uu wax badan ka badali doono habsami u socodka howlaha guud ahaan baarlamaanka 10aad oo markii ugu horeysay ku yimid doorasho.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada