Warar aynu ka kala heleyno magaalooyink amuqdisho baydhabo iyo neyroobi ayaa ku waranaya in madaxweyneha maamulka koonfur galbed 3 gabol Shariif Xasan ay ganacsato kasoo jeeda beelaha hawiye ay farqaha uga heystaan lacago deymo ah oo uu shariif xasan sanooyinkii lasoo dhaafey qaabab kala gedisan qaatey ganacsatadaas.
Xogta ay heleyso daafeet.com ayaa waxaa ay tilmaameysaa in ganacsadatu ay kasoo kala jeedaan beelaha abgaal,habargidir iyo murusade ayagoo lacagtuna la sheegayo in ay maliyiin kor u dhaaftey, Lacagahan shariif ay deymiyeen ganacsatada beelaha hawiye ayaa qaarkood shariif waxaa uu ku galey kaambeenkii uu ku burburiyey maamulka 6da gobol ee koonfur galbeed, Halka qaar kaloo ka mid ah deymahaas shariifka uu si shaqsiyan u qaatey halka qeybta ugu dambeyso ee haatan loo fadhiyana uu ku qaatey magaca xildhibaanada maamulka koonfur galbeed somaliya ee soo galey Baarlamaanka federaalka labadiisa aqal kuwaasi oo haatan degen hoteelo ay leeyihiin beelaha hawiye kuna degan damaanad shariif taasoo qeyb ka ah deymaha haatan farqaha loga heysto shariif xasan sheekh adcan.
Shariif xasan sheekh aadan oo dulaanimada iyo musuqaba u yihiin xirfad uu ku howl galo ayaa diyaarinaya qorshooyin uu ganacsatadan damaanad siyaasadeed uu ugu bedelo deymaha ay u heystaan mid ahaan xogaha aynu heleyno ayaa waxa ay daaha ka rogeysaa in shariifka haatan uu ku guda jiro sidii codadka xildhibanada konfuir galbeed kasoo galey uu ugu bedelan lahaa lacago uu isaga bixiyo deymaha, halka lacago kale oo la sheegayo iney kasoo xaroodeen qaar ka mid ah dalalka qaliijka uu shariif rabo in uu ku furdamniyo culeyska kaga soo gudboonaadey ganacsatada beelaha hawiye.
Si kastoo loo dhiagaba maamulka shariif xasan oo la daalaa dhacayay mucaaradad kasoo wajahdey gudaha koonfur galbeed oo lagu darey xiriirkan xumaadey ee u dhexeeya asaga iyo ganacsatada beelaha hawiye ee ku aadan heymaha ayaa waxaa ay noqon doontaa dhacdo uu ku curyaamo maamulka shariif oo haatanba curyaamiyey noloshada iyo dhaqdhaqaqa shacabka koonfur galbeed.